Oday Dhaqameed: Ku Milanka Siyaasada

2019 Puntland waxay jirsatay 21 sano, mudadaas waxaa Puntland xilka madaxtinimada isku badaley lix madaxwayne. Xil wareejinta madaxtinimada Puntland mar walba si nadaamsan sharciga Puntland u dagsan waafaqsan ayay u qabsoomaysay.
Puntland marka lala bar-bar dhigo qaybaha kale Somalia waxaa ka hirgalay haykal dawladnimo oo shaqeenaya balse tayadiisu aysan gaarsiisnayn halka laga maleen karo maamul dawladnimo 21 sano jirsatay.
Sababa ugu wacna ay tahay, hogaan xumo mararka qaarkood ragaadinaysay shaqada waaxyaha kala duwan ee dawladnimada bud-dhigin u ah; musuq-maasuq iyo boob-dhaqaale oo baahsan, nin tooxsi, siyaasad aan lahay aragti durugsan oo ku dhisan danaysi shakhsi iyo caqabado/xayiraahdo iyo lug-jiid Puntland ka soo wajahayay dhanka dawlada federalka Somalia.
Dulmar guud ahaan, Puntland nadaamka dawladnimo ay ku dhisan tahay waa mid shaqeeya islamarkaasna dib wax-qabadkooban ugu soo celiya shacabka reer Puntland, sida amniga, waxbarashda, shaqada, sharciga, horumarin kaabayaal dhaqaale iyo goobo daryeel caafimaad oo biloow ah.
Puntland maadama ay dhawaan xilka Madaxwaynanimada u dooratay Mudane Said Abdulahi Deni, isha waxaan si dhaw ugu hayey doorka hogaan dhaqameedka Puntland ay ka qaadandoonan xukuumada Mr. Deni madaxda ka yahay ee cusub.
Inta badan marka Puntland horumarkeeda iyo dib-u-dhaceeda la falan-qaynayo waxaa amaanta ama eeda dusha loo saaraa madaxda xilka Puntland xilka haya, balse hoos looguma daadago sababaha asaasiga oo qayb ka ah horumarka ama dib-udhaca iyo faashilka ku yimaada halka ay salka ku hayaan iyo waxa keenay.
Waxaan la ogyahay 66 xil-dhibaan Puntland Madaxwaynaha doorta in ay soo xulaan hogaan dhaqameedka Puntland.
Hogaan dhaqameedyadu xildhibaanka ay beelaha horjooga u yihiin ka soo xulaan uma madaxbaneeyaan go’aanka uu ku dooranayo musharaxa in uu ku saleeyo aragtidiisa akhtiyaariga ah ama beesha u xildhibaanimada ku matalo halka ay rabitaankoodu jiro ku doorto.
Hogaan dhaqameedku wuxu si cad oo balan adag ah ula galaa xildhibaanka uu soo xushay in codka uu siiyo musharaxa hogaan dhaqameedku danaha iyo balan-qaadka hoose wada leeyihiin.
Sidoo kale madax dhaqameedku beelaha hogaanka u yihiin xubinta xildhibaanka uguma qaybiyaan si taraysi ama kaltamaysi ah, inta badan waxay xubinta xildhibaanimada siiyaan qaba’ilada ay ku tuhmayaan tun-jileec iyo u hogaansanaan xad-dhaafa ah.
Loolanka siyaasadeed madax dhaqameedku ka galo awood ku yeelashada hanaanka siyaasadeed Puntland hadii musharaxa uu wato adkaado ama laga adkaado marna ma noqoto xarig-jiidka siyaasadeed dhaqanka mid halkaa ku harta waxay u gudubtaa waji labaad, waji sadexaad iyo afraad ilaa dhaqanka iyo xukunka siyaasadeed isku milmaan.
Inta wajiga labaad falanqaynteeda u gudbin, bal marka hore aan wax yar ka ifiyo fahanka madax dhaqameedka guusha iyo guuldarada siyaasadeed uu ka haysto.
Guusha siyaasada madax-dhaqameedku wuxuu u yaqaanaa in reerkiisu ka adkaadeen madax-dhaqameedka ay iska soo horjeedeen oo musharax kale watay reerkiisa, sidaadarteed kala adkaasha labada reerood waa mid ula mid ah sida ku kala adkaanshihii miyiga ku salaysnaa daaqsinka iyo ceelka.
Si kale hadaan u dhigo, madax-dhaqameedku musharaxa guulaystay oo madaxwayne noqday watay wuxuu ugu jiraa kaalintii daaqsinkii iyo ceelkii uu qabaa’ilo kale ka cayrsaday, qabiilkiisuna kaliya daaqayeen ama ka cabayeen cid kale wax uga ogala.
Hadaba wajiga labaad madax-dhaqameedku haduu guulaysto wuxu ka hawgalaa in uu wiilka weesa qaadka u ah ama ka ag dhaw xil sare la doono culaysna lagu saaro madaxwaynaha cusub in balan-qaadkii darajada siyaasadeed iyo tii dhaqaale uu fuliyo.
Waxaa kale hogaanka dhaqanka guulaystay ka xigsadaan xukuumada xusub dhamaan hogaam dhaqameedka kale oo musharaxiintooda laga guulaystay.
Goobaha xukuumada cusub ay xafladaha ku qabato qadar daqiiqada aad safka hore dhaqanku fadhiisto caadiyan isha ula raacdid waxaad si sahalan u ogaan kartaa hogaamiye dhaqameedyada soo xaadiray iyo kuwa maqan halkaasna waxa ka cabir qaadan kartaa inta hogaan dhaqan xukuumada cusub garabka u ah iyo inta hogaan dhaqameed xukuumada cusub caaridsan.
Caaridida hogaanka dhaqanka ee xukuumdaha u qaado ma aha mid ku salaysan wax-qabad yari iyo saluug maamul xumo ay xukuumada cusub dhankeeda uga yimid ee waa mid ku salaysan kaliya in Madaxwaynuhu yahay musharaxii uusan wadan islamarkaasna hogaan dhaqameed loolan awood dhaqameed ka dhaxeeyo uu watay, sidaa darteedna uusan taageeradiisa kala maqan yahay.
Taageerida iyo caarida madax-dhaqameedyadu u muujiyaan xukuumadaha cusub waa kuwa laba goorba lugooye ku ah xukuumad kasta oo Puntland ka dhalata, waxay xagaldaacisaa horumarka qorshaha xukuumadi dagsato.
Taageerida hogaamiye dhaqameed ee xukuumada markaa jirta u hayo xukuumada waxba kuma soo kordhiso – qorshayaal iyo aragti horumarineed toona – in wax looga qaado mooyee inta badan waxay ku soo aroortaa dan gaar ah marka hore magac qabiil lagu laan-goosto balse dan shakhis ku soo dhamaata.
Wax yeelada taageerada hogaamiye dhaqan u muujiyo xukuumadaha waxaa laga dhaxlaa in hogaamiye dhaqameedyo loolan dhaqan ka dhaxeeyo xukuumada ka fogaado iyaga oo kuwa kale biya diidan.
Caarida hogaamiya dhaqameedku iyadu waxay leedahay waxyeelo mid gudaha Puntland ah iyo mid Puntland ka baxsan. Mida gudaha waa in hogaamiyaha uu beeshiisa ka raarido in xukuumada cusub aysan iyada u dhalan, islamarkaasna u dhalatay qabaa’ilo kale aysan shaqo ku lahan xukunkana aysan la wadaagi karin (xashintii iyo ceelkii).
Mida dibada waxay caarida dhaqanka keentaa in mar walba ay ku soo hirtaan cidii markaa xukuumada Puntland siyaasada isku hayaan; sida Dawlada Federalka inta badan xagal daacisa.
Intii xukuumada MW Deni talada Puntland hayay waxaa Puntland ka qabsoomay shirar beelood ay qaban qaabiyeen oday dhaqameedyo isu arka in ay xukuumada hada jirta gacan saar siyaasadeed la lahayn islamarkaasna shirarka ka soo saaray go’aamo ay ku muujinayaan xukunka xukuumada dhexe Puntland ka yara madaxbanaan yihiin.
Dhanka kale waxaa iyana jira hogaamiye dhaqameedyo iyagu qada-sharaf Madaxwaynaha qudhiisa u sameeyay sidaa darteedna ku muujiyay in ay xukuumada garab u yihiin.
Hadaba, labada dhaqdhaqaaq ismuujinta taageero xukuumada Puntland iyo u gacan haadinta xukuumado iyo ururro siyaasad Puntland ka baxsan midkay tabayba ma arin wax ku soo kordhinaysa horumarka iyo hiigsiga xukuumada talada haysa looga fadhiyo in ay wax u dhinto mooyee.
Hogaanka dhaqanka mid mu’ayid ah iyo mid mucaaraad ahba waxaa la gudboon maadama Puntland doorasho iyo loolan siyaasadeed iyo mid dhaqan ka baxday in fursad loo siiyo hawsha loo igmaday in ay shacabka u qabato.
Qaybta 2aad la soco.
Qaybta 2aad qormadaan waxaa ku soo qaadanaya khilaafka oday dhaqameedyada Puntland qaybtooda dhexyaal ma mid iyaga ku kooban dano gaar ah baa mise waa mid qabiilada ay hogaanka dhaqan u hayaan u gudubsan!
Qore: Othman

Comments