Dawladnimo Loogu Daw-galay – Galkacyo

Allaha u naxariisto hebal wuxuu ahaa shakhsi qiimo badan mushtamaca ku dhex lahaa dadkuna aad u jeclaa
Kalmadahani iyo kuwa kale oo badan waa hiilka ugu weyn iyo hadal haynta laga fisho xukuumada ama qoyska uu ka baxay marxuunka haldoorka reer Galkacyood; ugu ahaa wanaaga, hormurka, samafalka, dhaqanka, ciidamada, ganacsiga, aqoonta, haweenka iyo dhalinyarada. Deegaanka Mudug iyo Magaalada Galkacyo in dhawaale waxaa sii kordhaysa dilalka qorsheesan oo lagu bartilmaam sanayo wax-garadka iyo birma-gaydada miyi iyo magaalo ku wajahan hal beela oo ka mid ah beelaha Gobolka Mudug wada dega.
Halkee salka ku hayaan qorshaha isir-gumaadka ah, yaa ka dambeeya mase tahay arin soo jireen ah. Gundhiga qormada ayaa isku dayaysa inay ifiso jawaabaha su’aalahan iyo kuwa badan oo dadku qabaan. Waxaa laga maarmaan ah in si cad loo fahmo sababaha is biirsaday oo suurta galiyey in dhibaatada waqooyiga gobolka Mudug diihaalsatay ay jirto. Islamarkaana dhacdada haldoorka lagu gumaadayo ay noqotay mid dhaqan ah oo qof walba oo bulshada dhexdeeda qiimo ku leh uu qaayibo inuu yahay ruux dil ku xukuman mar aan fogeyn.
Barashada cilmiga bulshada (sociology) – dhaqamada, dabeecada, xiriirka iyo qaabka nololeed bulsho meel dagan – qaacidooyinka aasaasiga ah lugu barto waxaa ka mid ah ‘dhaqanka’ waxan u naqaan. Qofka marka uu yar yahay uu dhaxlayo ama baranayo dhaqanka waxa loo yaqaan waxaa ugu muhiimsan laba qaybood. Marka hore, dhaqanka qofka marka uu yar yahay wuxu ka bartaa hooyada iyo waalidka kale, waa barbaarinta hore oo bilowga ah diintta ayaa ka mid ah (dhaqanka guriga lagaga dhaqmo).
Dhaqan barashada labaad oo markaa iyadu qaybo badan u sii kala baxda qofku waxaa macalin ugu noqda bay’ada uu ku nool yahay waxaana doorka u weyn leh bulshada uu la noolyahay. Markaan u soo noqo dilalka qorsheesan ee hadba markii in yar la joogo ka dhaca Magaalada Galkacyo ama deegamada gobolka Mudug. Fahamka shacabka gaar aahaan kuwa la bartilmaamsanayo waxay u sawirtaan dhacdo ‘qof malaggiis galay’ ee gacan ka xaqdarana lagu sababay – waa caadeyn fal dambiya oo dhacay.
Dhinaca kale hadii qofka dhintay uu yahay qoyska kale xoogaa midka adigu tahay ka durugsan iyaduna waa faham kale oo ah ‘reer habel buu ahaa’ ee hawl kuu taal ma aha. Soo noq-noqshada dilalkaan waxay dhaqameeyeen fahamka dadka shacabka ah iyo qaabka xarumaha dawlada Puntland ay u wajahaan marka ay dhibu dhacdo. Dhanka xukuumada Puntland markii shakhsi cududa gobolka u ahaa la dilo sida Said Ali Yusuf Gaade-yare (Xisaabiyaha gobolka Mudug Puntland) wax-qabadka xukuumada looga fadhiyaa waa in sargaal sare media soo fariisto isagoo oranaya “falkii lagu dilay marxuunka baaritaankiisa waa ku guda jirnaa, cidii gacanta gaysatayna waa ku raad-joognaa” waajibkii xukuumada iyo la xisaabtankeedii halkaa ayuu ku dhan yahay.
Dhanka mushatamaca fahamka shakhsigii qaaliga ah ee ay waayeen waa in qabriga loola deg-dego aaskana laga qayb-galo, marka uu nabadoon media ushiisa ka soo ruxo uu hanjabo iyadu waa raginimo dheeri ah.
Dib u jaleecid halka dhibta salka ku hayso
Joogteenta dilalka qorsheesan iyo qaayibida shacabka in laga xusho/bartilmaamsado maskaxda iyo cududa shacabkooda waa mid la bilaabatay sameynta ama jiritaanka dawlad gobaleedka Puntland. Hirgalinta dawlad goboleedka Puntlad waxa hal mar isla hirgaley laba arimood aan la filayn oo laf-dhabar u noqday joogteynta dilalka ildheer-garadka:
  • mida hore deegaamada mamulka Puntland ku bahoobay waxaa soo wajahaan colaad dar-dar qabta oo siyaasadeysan kana qota dheer colaadii qaawanayd oo qabiilo dirirsan ku saleysaney, islamarkaasna colaada siyaasada fog leh isku si Puntland uga soo wajahday dhanka koonfureed iyo dhanka waqooyi (Galkacyo iyo Laascano)
  • mida labaad hirgalinta Puntland waxay suurta galisay in dadka reer Puntland isu dhiibaan nadaam dawladeed oo nadaamkii qabaliga ahaa talada kaaba qabiilka ku dhisnaa ay ku badasheen mid dawli ah oo leh awood midaysan leh.
Qodabka labaad hadan hormariyo sida kor ku xusay ahmiyad gaara siiyo si loo fahmo halka salka ay ku hayso isir-gumaadka gobolka Mudug. Puntland ka hor colaada Mudug waxay hayd mid jirta guud ahaana gobolka ku baahsan. Colaada gobolka walow mar walba ay u dhaxeysay qabiilada gacan ku haynta talada gobolka hadaba isku haya hadana ka dabaakhtanka iyo wajihida xaalada markaa taagan waxay ahayd mid taladeeda ka soo go’aysay qabiilo iyo waxgarad dhaqameed.
Xeerka qabiilka iyo maareynta colaada waxaa ka mid ah qabiilku in uu ku dhabiiltamo nafta qofwalba oo qoyska ka mid ah iyo deegaanka – waa halka aanadu salka ku hayso iyo dhul-durugsigu – islamarkaasna cududa iyo awoodiisana muujiyo. Colaada qabiilada dhextaala marka taladeedu dhaqanku gacanta ku hayo inta badan waxyeeladu ma dhaafsiisna dagaal goob colaadeed ka dhaca ciidan beeleedyo isaga hor yimaadan, wayna ka xaalan markiiba ilaa gaf kale uu soo noqdo.
Qaabka qabiliga ah wuxuu yareeyaa ama meesha ka saara in ay timaado in cid gaara si joogta ah loo laayo oo saameyntu cid gaar kuma ekaanayso ‘qaniiya qaniiya kaa fujisa’ qola walbana in wax-garadkooda la beegto ma dhacdo. Hadaba isku haleenta nadaamka dawladnimo ee dhinac ka jira Galkacyo waxa uu hubka dhigis qaabka qabiilka loo sitay ku sameeyay dhinac, islamarkaasna falkasta oo waxyeelo la soo gaadhsiiyo dhinaca nadaamka xukuumda qaatay dadku waxay ku hurdaan amaan-sugida xakuumada.
Tani waxay keentay isku dheeli tir la’aan wax yeelada soo gaadhaysa labadii dhinac oo horey colaada qabiil isugu hayey. Dhinac wuxu xeerinayo nadaamkii qabaliga ahaa wuxuuna aaminsan yahay reer hebal inta ay dawladnimo ilaashanayaan ka cad-gooso magaca aad doontid u adeegso mooryan, alshabab iyo maamul ku sheeg isla shaqeenaya. Halka dhinaca waqooyi ku hurdo nadaam dawladeed islamarkaasna filayo inay xukuumadiise u dhabiiltanto cidii wax-garadka laynaysa sharciga horkeento. Inta Puntland ay jirtay fahamka iyo aaminaada dawladnimadu shacabku ka qabo marba-marka ka dambeysa waa kordhaysey iyo ku tiirsanaanteeda dhanka amni.
Dhinaca kale ilaalinta xuduud gobaleedka oo qabiil ku salysnaa Puntland sida Dastuurkeeda ugu qeexan waxay iyaduna aheyd mid hoos u socata intii mudo ah. Xukuumad kasta oo Puntand soo martay wax qorshe ah iyo dib u eegis kama yeelan (xuduuda qabiilku dhanka koonfureed wuxuu ahaa Wisil dhanka Waqooyina Ari-Cadeeye. Galkacyo ku hurdida nadaamka dawladnimo Puntland aan matalaad dhaba iyo qorshe durugsan ka lahayn gobolka xiligan iyo mid hore toona waxay hoodadeynaysaa qabiilkii isdifaaci jiray.
Tusaale dhawaan waxaa dad lagu xasuuqay Bali-Busle oo adkeyd xiligii dagaalka qabiliga uu jiray in la haweysto, Duleedka Bacad-weyn ‘Dusmada’ intay Puntland jirtay dhawrjeer dad wax-garada ayaa lagu laayey Godog sidoo kale iwm. Dawladnimadu waa mida xakameeysay in reer Galkacyood dhanka waqooyi ay Bandiiradley iyo Dagaari dad shacaba ku soo xasuuqaan sida ay Baraxley yeesho.
Reer Galkacyo talaa la gudboon, musiibada gobolka haysata inta aan ogahay ma aha dhaqan reer Galkacyoodka waqooyi lahaan jiray in birma-gaydada iyo waxgaradka laga gumaado. Balse nadaam dawladeed iyo nadaam qabiili ku dhisan isku ag hayntooda ayaa dhaqan ka dhigay iyo caado reer waqooyiga Galkacyo dhaxalsiisay geeri aan la isu raad-raacin.
Qabiil, qabiil ayuu la xaali karaa ama ka aanaysan karaa, dawladna dawlad ayey la xaali kartaa, laakin wixii intaa ka dhaxeeya waa ‘hoodado’ iyo laba-dible isu qabad. Qaybta 2aad qormada aan ugu magacdarey ‘Dawlad baa Loogu-Dawgaley’ waxaan ku soo qaadan doonaa diirada ku saari doonaa qodabka:
  • deegaamada mamulka Puntland ku bahoobay waxaa soo wajahaan colaad dar-dar qabta oo siyaasadeesan kana qota dheer colaadii qaawanayd oo qabiilo dirirsan ku saleysaney, islamarkaasna colaada siyaasada fog leh isku si Puntland uga soo wajahday dhanka koonfureed iyo dhanka waqooyi (Galkacyo iyo Laascano).
Fadlan ilaali xuquuqda Qormada iyo Qoraaga: by Othman A. Farole

Comments