Posts

Showing posts from April, 2020

Mashruca Dekeda Bosaso & Wadada Garowe – Bosaso Waxa Taldiisa Lahaa Bari & Nugal

Image
Share Bosaso; sidoo kale loo yaqaano Bender-Qazim waa magalo ka mid ah magaloyinka ugu waa wayn Somali waxayna kaalinta sadexaad u gashaa Mogadisho iyo Hargeysa. Bosaso dhanka Puntland waa magaalada ugu wayn. Tirakoob la sameeyay 2013kii waxa lagu qiyaasay Bosaso inay ku nooshahay ugu yaraan 1,200,000 qof. Bosaso waxay ka mid tahay magalooyinka aadka u koraya Puntland/Somalia. Bosaso waa Magaalo dhaqaalaheedu 100% ku tiirsan tahay ganacsiga ku xiran Dekeda. Laga soo bilaabo xiligii degada Bosaso la dhisay 1988 -1990kii mashruuci dawlada Italy ay Somalia ugu deeqday. Shaki kuma jiro mashrucan balaaran dawlada Italy Somalia ugu deeqday inuu deegamada maanta Puntland la isku yiraahdo ahmiyad gaara u leeyahay, islamarkasna yahay lafdhabarta dhaqaale ee dadka reer Puntland iyo guud ahaan dakhliga mamul dawladeedka Puntland ku maareyso hawlaha dawliga ah. Arinta muhiimka ah mawduuca kaga hadalayo ma aha danaha dhaqaale oo kaliya ay Deketa u leedaha shacabka reer Puntland

Xayndaabka Wadamadii Gumaysiga Qabiilada Somalia Kala Dhex Dhigeen Ma Yihiin Kuwa Caalamku Ictiraafsan Yahay

Image
Hordhac Marka hore waxaan Ilaahey ka rajanayaa in dhiig umada Somaliyeed ku daadan khilaaf ka dhesha xayndaab dhul boob ku salaysan oo kala sameysteen dalal Yurub ah oo iyagu dhexdooda dirir ka dhaxaysay. Qadiyada kala sheegashada xuduudaha Somaliya gudaheeda ma yihiin xuduudo rasmiya uu caalamku aqoonsan yahay? Somalidu ma yihiin qoomiyado kala duwan oo xuduudo ama xayndaabyo hore lahaan jiray ka dibna dawladihii Isticmaarka ay mideeyen si khasab ah hal dalna laga dhigay sida Ethiopia & Eritrea ku waas oo dib u kala go’ay 1990s? Si su’aalaha kor xusay ayaa ka dhasha doodaha  lagu falanqeeyo soodimihii dalalka Yurub Somalia u sameeyen xiligii ay ka talinayen. Hadaba si arinkaa loo xaqiijiyo halka salka ay ku hayso, waxan baaris cilmiyeed ku sameyey marxaladihii kala duwana ay Somalidu soo martay xiliyadii gumeystayaashii kala duwanaa ay Somali isu badaleen gacan ku haynteeda. Sidoo kale baaris cilmiyeedkan wuxuu meesha ka saarayaa tarikhda ama tixraaca khaldan ay re

Halaggii Dhacay Looma Kala Harin: Dilkii Sh. Abdiwali Sh. Ali Elmi Yare

Image
Hadii xaalku ay iska ahaado hadba inta la rideeyo iyo inta ka ag dhaw in la gumaado shacabkuna Allahu Akbarta ku cusleeyaan!! Maxay markaa kaga duwan tahay 14kii October 2017 500 qof aag Soobe, Moqdisho lagu gumaaday, soo kuwaasba mid Sheikh ah sida Shible ma rideen, ka dibna xukun dil ah kuma ridin kolay cid ismiidaamisa la waayi mayee! Taarikhdu markay ahayd 26/11/2018 Isniin, waxaa goobta uu ka dagnaa xaafada Baraxley qarax iyo rasaas lagu weeraray Abdiwali Sheikh Ali Elmi Yare, khasaarihii halkaa ka dhashay waxa ku dhintay 30 qof uu ku jiro Abdiwali Sheikh, xaaskiisa, caruurtiisa iyo dad kale oo xertiisa ka mid ah. Abdiwali ayaa ahaa nin sheegta in uu yahay Wali, islamarkaasna halka uu ka dagnaa Baraxley ku soo bandhigi jiray isaga iyo xertiisa heeso iyo xadrooyin ay dhibsadeen qaybo ka mid ah Culimada Somaliyeed. Horaantii bishii September, 2017kii in Abdiwali Sheikh Ali Elmi iyo xertiisa soo bandhigeen sawir nin lagu magacaabo Biloow Sheikh Husien oo ku sugan Mombasa, K

Oday Dhaqameed: Ku Milanka Siyaasada

Image
2019 Puntland waxay jirsatay 21 sano, mudadaas waxaa Puntland xilka madaxtinimada isku badaley lix madaxwayne. Xil wareejinta madaxtinimada Puntland mar walba si nadaamsan sharciga Puntland u dagsan waafaqsan ayay u qabsoomaysay. Puntland marka lala bar-bar dhigo qaybaha kale Somalia waxaa ka hirgalay haykal dawladnimo oo shaqeenaya balse tayadiisu aysan gaarsiisnayn halka laga maleen karo maamul dawladnimo 21 sano jirsatay. Sababa ugu wacna ay tahay, hogaan xumo mararka qaarkood ragaadinaysay shaqada waaxyaha kala duwan ee dawladnimada bud-dhigin u ah; musuq-maasuq iyo boob-dhaqaale oo baahsan, nin tooxsi, siyaasad aan lahay aragti durugsan oo ku dhisan danaysi shakhsi iyo caqabado/xayiraahdo iyo lug-jiid Puntland ka soo wajahayay dhanka dawlada federalka Somalia. Dulmar guud ahaan, Puntland nadaamka dawladnimo ay ku dhisan tahay waa mid shaqeeya islamarkaasna dib wax-qabadkooban ugu soo celiya shacabka reer Puntland, sida amniga, waxbarashda, shaqada, sharciga, horumarin ka

Dawladnimo Loogu Daw-galay – Galkacyo

Image
“ Allaha u naxariisto hebal wuxuu ahaa shakhsi qiimo badan mushtamaca ku dhex lahaa dadkuna aad u jeclaa ” Kalmadahani iyo kuwa kale oo badan waa hiilka ugu weyn iyo hadal haynta laga fisho xukuumada ama qoyska uu ka baxay marxuunka haldoorka reer Galkacyood; ugu ahaa wanaaga, hormurka, samafalka, dhaqanka, ciidamada, ganacsiga, aqoonta, haweenka iyo dhalinyarada. Deegaanka Mudug iyo Magaalada Galkacyo in dhawaale waxaa sii kordhaysa dilalka qorsheesan oo lagu bartilmaam sanayo wax-garadka iyo birma-gaydada miyi iyo magaalo ku wajahan hal beela oo ka mid ah beelaha Gobolka Mudug wada dega. Halkee salka ku hayaan qorshaha isir-gumaadka ah, yaa ka dambeeya mase tahay arin soo jireen ah. Gundhiga qormada ayaa isku dayaysa inay ifiso jawaabaha su’aalahan iyo kuwa badan oo dadku qabaan. Waxaa laga maarmaan ah in si cad loo fahmo sababaha is biirsaday oo suurta galiyey in dhibaatada waqooyiga gobolka Mudug diihaalsatay ay jirto. Islamarkaana dhacdada haldoorka lagu gumaadayo ay noq