Posts

Deegamda Dhulbahante miyay ka mid ahaayeen dhulkii gumaystahii Briton ku xadeeyay British Protoctrote?

Image
Journal of Applied Security Studies 2018, 1, pp. 1-16 Deegamda Dhulbahante miyay ka mid ahaayeen dhulkii gumaystahii Briton ku xadeeyay British Protoctrote? Xayndaabkii british-ka & qabiilada somaliyed: qiimayn ku aadan in ay ka mid yihiin british protectorate qabiilada heshiiskii 1884-86kii saxiixin, ka qayb qaadan marka loo cuskado Berlin Conference 1884-85 (Act) Article (35) oo meesha ka saaray qaacidadii ‘hinterland theory’ Othman A. Mahamud Founder AMNI Centre For Security Analysis & Development êResearch Organisation, Garoe Puntland, Somalia Abstract Markii Dawladii dhexe kacaanka 1991kii ay dhacday, dalka Somaliyeed wuxuu guda-galey dagaalo sokeeyo. Jamhadahii ka soo horjeeday xukumadii Siyaad Bare ayaa markii dambe isu badalay kuwa dhexdooda hardama siyaabo badan awgood. Jamhadii SNM oo ka dagaalantay gobalada waqooyi 1991kii waxay ku dhawaqday Dawlada Somalia inteeda kale ka madaxban oo Somaliland loo yaqaan intii dhulka British Somaliland la oran jirayna hadafkeedu ya...

Mashruca Dekeda Bosaso & Wadada Garowe – Bosaso Waxa Taldiisa Lahaa Bari & Nugal

Image
Share Bosaso; sidoo kale loo yaqaano Bender-Qazim waa magalo ka mid ah magaloyinka ugu waa wayn Somali waxayna kaalinta sadexaad u gashaa Mogadisho iyo Hargeysa. Bosaso dhanka Puntland waa magaalada ugu wayn. Tirakoob la sameeyay 2013kii waxa lagu qiyaasay Bosaso inay ku nooshahay ugu yaraan 1,200,000 qof. Bosaso waxay ka mid tahay magalooyinka aadka u koraya Puntland/Somalia. Bosaso waa Magaalo dhaqaalaheedu 100% ku tiirsan tahay ganacsiga ku xiran Dekeda. Laga soo bilaabo xiligii degada Bosaso la dhisay 1988 -1990kii mashruuci dawlada Italy ay Somalia ugu deeqday. Shaki kuma jiro mashrucan balaaran dawlada Italy Somalia ugu deeqday inuu deegamada maanta Puntland la isku yiraahdo ahmiyad gaara u leeyahay, islamarkasna yahay lafdhabarta dhaqaale ee dadka reer Puntland iyo guud ahaan dakhliga mamul dawladeedka Puntland ku maareyso hawlaha dawliga ah. Arinta muhiimka ah mawduuca kaga hadalayo ma aha danaha dhaqaale oo kaliya ay Deketa u leedaha shacabka reer Puntland ...

Xayndaabka Wadamadii Gumaysiga Qabiilada Somalia Kala Dhex Dhigeen Ma Yihiin Kuwa Caalamku Ictiraafsan Yahay

Image
Hordhac Marka hore waxaan Ilaahey ka rajanayaa in dhiig umada Somaliyeed ku daadan khilaaf ka dhesha xayndaab dhul boob ku salaysan oo kala sameysteen dalal Yurub ah oo iyagu dhexdooda dirir ka dhaxaysay. Qadiyada kala sheegashada xuduudaha Somaliya gudaheeda ma yihiin xuduudo rasmiya uu caalamku aqoonsan yahay? Somalidu ma yihiin qoomiyado kala duwan oo xuduudo ama xayndaabyo hore lahaan jiray ka dibna dawladihii Isticmaarka ay mideeyen si khasab ah hal dalna laga dhigay sida Ethiopia & Eritrea ku waas oo dib u kala go’ay 1990s? Si su’aalaha kor xusay ayaa ka dhasha doodaha  lagu falanqeeyo soodimihii dalalka Yurub Somalia u sameeyen xiligii ay ka talinayen. Hadaba si arinkaa loo xaqiijiyo halka salka ay ku hayso, waxan baaris cilmiyeed ku sameyey marxaladihii kala duwana ay Somalidu soo martay xiliyadii gumeystayaashii kala duwanaa ay Somali isu badaleen gacan ku haynteeda. Sidoo kale baaris cilmiyeedkan wuxuu meesha ka saarayaa tarikhda ama tixraaca khaldan a...

Halaggii Dhacay Looma Kala Harin: Dilkii Sh. Abdiwali Sh. Ali Elmi Yare

Image
Hadii xaalku ay iska ahaado hadba inta la rideeyo iyo inta ka ag dhaw in la gumaado shacabkuna Allahu Akbarta ku cusleeyaan!! Maxay markaa kaga duwan tahay 14kii October 2017 500 qof aag Soobe, Moqdisho lagu gumaaday, soo kuwaasba mid Sheikh ah sida Shible ma rideen, ka dibna xukun dil ah kuma ridin kolay cid ismiidaamisa la waayi mayee! Taarikhdu markay ahayd 26/11/2018 Isniin, waxaa goobta uu ka dagnaa xaafada Baraxley qarax iyo rasaas lagu weeraray Abdiwali Sheikh Ali Elmi Yare, khasaarihii halkaa ka dhashay waxa ku dhintay 30 qof uu ku jiro Abdiwali Sheikh, xaaskiisa, caruurtiisa iyo dad kale oo xertiisa ka mid ah. Abdiwali ayaa ahaa nin sheegta in uu yahay Wali, islamarkaasna halka uu ka dagnaa Baraxley ku soo bandhigi jiray isaga iyo xertiisa heeso iyo xadrooyin ay dhibsadeen qaybo ka mid ah Culimada Somaliyeed. Horaantii bishii September, 2017kii in Abdiwali Sheikh Ali Elmi iyo xertiisa soo bandhigeen sawir nin lagu magacaabo Biloow Sheikh Husien oo ku sugan Mombasa, K...